Qeybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug oo ka talo dhiibtay dhameeystirka Dastuurka

HomeWararka

Qeybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug oo ka talo dhiibtay dhameeystirka Dastuurka

Hay'adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa kulamo wadatashi ah la yeeshay culumada, odoyaasha dhaqanka, haweenka, dadka naafada ah iyo dhaliny

Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Maamulka Cisbitalka Qardho oo ka Warbixiyey Dhaawaca Shilka Sheerbi (dhegayso)
Taliska Shabeelaha Dhexe oo ka hadlay Wariye ku xiran Jowhar (dhegayso)

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa kulamo wadatashi ah la yeeshay culumada, odoyaasha dhaqanka, haweenka, dadka naafada ah iyo dhalinyarada Galmudug, intii uu kulanka socday waxaa ay qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug ka talo dhiibteen qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay ee la soo bandhigay.

Ugu horeyn, waxaa wadatashiga lagu bilaabay haweenka iyo dhalinyarada Galmudug oo si mug leh uga qeybqaatay shirka iyagoo sheegay inay doorkooda ka qaadanayaan dhameeystirka dastuurka.

Zahra Cali Xasan oo ah La-taliye sare oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa waxa ay soo bandhigatay warbixin ay ku sheegtay sida seddexda hay’ad ee u xilsaaran qabyo tirka dastuurka ay uga go’antahay in haweenka iyo dhalinyarada la siiyo fursad ballaaran oo ay ku soo bandhigaan aragtiyadooda ku saabsan qodobada masiriga ah ee dastuurka.

Intaa kadib waxaa bilowday shirka la-tashiga culumada, dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo odoyaasha dhaqanka ee Galmudug waxaana loo soo bandhigay qarbixin tilmaameysa halka uu marayo dhameeystirka dastuurka iyo qodobada u baahan in wadaxaajood siyaasadeed laga gaaro.

Gudoomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Senator Cabdiqeybdiid ayaa ku booriyay culumada, odoyaasha dhaqanka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, dhalinyarda iyo haweenka Galmudug inay si joogta ah ula socdaan arrimaha dib-u-eegista dastuurka ee sameeynta weyn ku leh noloshooda iyo danaha qaranka.

Sidoo kale, Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlayay doorka Bulshada Rayidka ay ku leeyihiin arrimaha dastuurka ayaa yiri “Waxaa naga go’an in guud ahaan culumada, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, odoyaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed laga talogeliyo dhameeystirka dastuurka inaga oo aaminsan in doorkooda uu yahay mid muhiim ah islamarkaana lagama maarmaan ah, Galmudug dadkeeda kala duwan ee maanta aad mataleysaan waxaa ay heystaan fursad qaali ah oo aan taladooda ku dhageysano”.

Ugu dambayn, qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug ayaa ballanqaaday inay si dhow ula socon doonaan howlaha qabyo tirka dastuurka ayna talooyinkooda si joogta ah u soo gaarsiin doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: