HomeUncategorized

Qaxootiga Afrikaanka ah ee ku Sugan Giriigga oo Xaaladooda laga Dayrinayo

Bacaadweyn, 07-March, 2016 -(Daljir)_Raisul wasaaraha dalka Giriiga ayaa sheegay in dalkiisa haatan wixii ka dambeeya uusan diyaar u ahayn inay soo galaan qaxootiga kusoo qulqulaya kuwaasoo badankoodu doonayaan inay uga sii gudbaan dalalka kale ee Yurub.

Kenya oo Ciidamo badan keentay xadka ay la wadaagto Somalia
Maamulka Jubbaland Oo DF ah ku eedeyey in ay si qaldan u maamusho odeeqaha caalamiga ah ee dalka
Kayse C. Yusuf, Gudd. gobolka Cayn oo aan ka waraysanay dhaqdhaqaaq ciidan oo Somaliland ay ka wado Buuhoodle. Dhegaysi …
Bacaadweyn, 07-March, 2016 -(Daljir)_Raisul wasaaraha dalka Giriiga ayaa sheegay in dalkiisa haatan wixii ka dambeeya uusan diyaar u ahayn inay soo galaan qaxootiga kusoo qulqulaya kuwaasoo badankoodu doonayaan inay uga sii gudbaan dalalka kale ee Yurub.
 
Maanta ayaa waxaa la filayaa in Turkiga oo meelaha ay kasoo galaan qaxootigu Yurub ka mid ah inuu kala shiro Midowga Yurub sidii qaxootigaa qulqulkiisa loo yareyn lahaa ama wax looga qaban lahaa.  Dhanka kale dalalka Balkans loo yaqaano ee xaduudaha la leh Giriiga ayaa dhawaan dhimay tirada qaxootiga soo gali kara dalalkaa.
 
Dalalka Balkans ayaa sidoo kale xiray xaduudaha ay la leeyihiin Giriiga taasoo keentay in qaxooti badan oo daafaha caalamka ka kala yimid ay  buux dhaafiyaan Giriiga kadib markii ay halkaasi ku xayirmeen. Arintaas ayaa walaac galisa Dawlada Giriiga iyo dadkeedaba.
 
Haatan ayaa waxay wararku nagu soo gaarayaan in qaxooti badan ay ku go’doonsan yihiin xadka Giriigu la wadaago wadanka Macedonia.
 
Ururka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in qaxootigu halkaa ku dhibban yahay isla markaana takoor lagu hayo.
 
Qaxootiga ayaa badankiisu wuxuu ka yimaadaa dalalka Islaamka sida Suuriya, Ciraaq, Afghanistan iyo Soomaaliya oo colaado ay ka jiraan inkastoo colaada Soomaaliya ay sii dhammaaneyso qaxootiga kasoo hayaamana uusan gaarsiisneyn tirada qaxootiga kasoo cararaya Suuriya iyo Ciraaq.   
 
Waxaa jira iyana dad badan oo ah qaxooti dhaqaale doon ah kuwaasoo ka yimaada dalal badan oo kale oo ka hooseeya saxaraha Afrika gaar ahaan galbeedka Afrika kuwaasoo iyana kordhiya qulqulka qaxootiga haatan maarada loo la’yahay.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: