Maamulka Degmada Kismaayo oo Bur-burinaya Goobaha Sharci darrada ah

Bacaadweyn, 07-March, 2016 -(Daljir)_Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay bur burinayaa guryaha laga dhisto goobaha lagu talo galay waxbarashada.
 
Madaxweyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo shalay dhaggax dhigay iskuul Midowga Yurub uu ka hirgalinayo magaalada Kismaayo,waxaa uu sheegay in la bur burin doono guryaha laga dhisto dhulka ahaan jiray ama loogu talo galay goob waxbarasho.
 
“Waan dumineynaa gurrigii laga dhiso dhul iskool loogu talogalay, xitaa haddii uu yahay dabaq 10 biyaano ah, waxbarashadu waa muhiimadeena koowaad” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.
 
Hadalka Axmed Madoobe waxaa soo dhaweeyey Saraakiil ka socday Midowga Yurub,waxayna shacabka Jubbaland fareen inay taaageeraan go’aanka Madaxweynaha si loo balaariyo goobaha waxbarashada ee Jubbaland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com