Qarax weyn oo baabuur loo adeegsaday ayaa ka dhacay Beledweyn.

Qarax weyn oo baabuur loo adeegsaday ayaa ka dhacay Beledweyn.

Qarax weyn oo khasaare dhimasho iyo mid dhaawacba dhaliyey ayaa goordgaweyd ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarkaan oo sida la xaqiijinayo loo adeegsaday baabuur nooca xamuul ah ayaa lala beegsaday goob dadka ku badinyihiin oo magaalada, inkastoo goobta ay ka dhawaayeen xarumo dawli ah, siiba bar koontarool oo ciidamasa amnigu leeyihiin, taasoo la aaminsanyahay in ay ahayd bartilmaameedka.

Weli si dhab ah loogama xaqiijin karo baaxadda khasaaraha maadaama xilli dhaw uu weerarkaasi dhacay, hase ahaatee dad goobjoogayaal ah ayaa tilmaamaya in uu qaraxaasi ahaa mid ka mid ah qaraxyadii ugu waaweynaa ee dalka ka dhacay inkastoo aysan jirin qiimayn rasmi ah oo la hayo.

Muuqaallo iyo sawirro laga qaaday goobta weerarkaasi ka dhacay ayaa muujinaya burbur baaxadleh oo soo gaaray dhimayaashii ku dhawaa goobta qaraxu ka dhacay iyo kuwo ka durugsanba.

Beledweyn ayaa horay sidaan oo kala uga dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah oo dad iyo baabuurba loo adeegsaday, kuwaasi oo khasaare badani uu ka dhashay.

Faahfaahin dheeraad ah wararkeenna dambe

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com