Qarax lagu dilay Askar katirsan Ciidamada dowladda oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

HomeWararka

Qarax lagu dilay Askar katirsan Ciidamada dowladda oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Maanta Barqadii waxaa uu ka dhacay degaanka lambar Konton oo hoostaga degmada Marka ee Xarunta gobo

Saaka & Dunida iyo Xuseen Madar , Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
WFP oo ku guuleysatay Abaalmarinta Nobelka

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Maanta Barqadii waxaa uu ka dhacay degaanka lambar Konton oo hoostaga degmada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa ayaa qabsaday gaari ay saarnayeen Ciidamo katirsan kuwa Gorgor ee Millateriga Soomaaliya oo ka baxay magalada Muqdisho kuna wajahnaa degaanka janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana Ciidamada ay ahaayeen kuwo dhawaan tababar ku qaatay magaalada muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana wararka aan goobjoogayaal ka helnay ay sheegayaan in askar katirsan ciidamada dowladda ay qaraxaasi ku dhinteen.

Sidoo kale qaraxa ayaa warar aan helnay ay sheegayaan in dhaawac culus uu kasoo gaaray Sarkaal katirsan Ciidamada Millateriga oo lagu magacaabo Laba Xidigle Cabdi Gacal, halka wararka qaar ay sheegayaan in dhaawicii uu u geeriyooday.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin qaraxaas, waxaana jirtay in dhowr jeer wadada uu qaraxa ka dhacay qaraxyo lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: