WFP oo ku guuleysatay Abaalmarinta Nobelka

WFP oo ku guuleysatay Abaalmarinta Nobelka

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa sanadkan ku guuleysatay Abaalmarinta Nobel-ka ee Nabadda 2020ka dadaalkooda ku aaddan la dagaallanka gaajada.

Guddiga Nobel-ka ayaa sheegay in WFP ay u dhaqantay “Sidii xoog horkacaya dedaallada looga hortagayo in gaajada loo adeegsado hub dagaal iyo isku dhac”.

Abaalmarintan ayaa qiimaheedu yahay 10m oo karoon Iswiidhish ah (£ 864,200; $ 1.1m).
Guulaystaha 101aad ee ku guuleysata abaalmarintan waxaa looga dhawaaqay machadka Nobel ee Norway ee Oslo.

Afhayeen u hadlay WFP ayaa sheegay inay ahayd “daqiiqado lagu faano”.WFP waxay ku qiyaastay inay caawiso qiyaastii 97 milyan oo qof sanadkii, oo ku kala sugan 88 dal.

Abaalmarinta Nobel ee Nabadda sannadkii la soo dhaafay waxaa la siiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo heshiiskiisa nabadeed ee uu la galay Eritrea uu soo afjaray ismari waagii 20 sano ee milatari ka dib dagaalkooda xadka 1998-2000.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ku guuleystay abaalmarinta sanadkii 2009, “dedaalkiisa uu ku xoojinayay diblomaasiyadda caalamiga ah iyo iskaashiga ka dhexeeya dadka”

Guuleystayaasha kale ee xusidda mudan waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter (2002); u dhaqdhaqaaqaha waxbarashada carruurta ee Malala Yousafzai (lala wadaagay 2014); Midowga Yurub (2012); Qaramada Midoobay iyo xoghayihii guud ee waqtigaas, Kofi Annan, (oo l wadaagay 2001); iyo Mother Teresa (1979).

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com