Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ka dhacay Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qaraxyo miino oo saaka ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Dharkeenley iyo Huriwaa.

Sida wararku sheegayaan qarax miino ayaa waxaa Isgoyska Xoosh ee degmada Dharkeenley lagula eegtay Gaari uu la socday Guddoomiye kuxigeenka degmada Kaxda C/naasir Xasan Cali.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiye kuxigeenka uu dhaawacmay, halka saddex ka mid ah Ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen qaraxa.

Gaariga uu la socday Guddoomiye kuxigeenka Kaxda oo ahaa nooca Soomaalida u taqaan Qooqan ayaa waxyeelo soo gaartay.

Dhinaca kale qarax miino ayaa waxaa iyana isla saakay Isgoyska Ex Koontarool Balcad lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo AMISOM ah.

Qaraxa ayaa ahaa mid xooggiisa laga maqlayo xaafado kala duwan oo Muqdisho ah, waxaana qaraxa kaddib ay Ciidamada AMISOM fureen rasaas culus oo la sheegayo in dad rayid ah ay waxyeelo soo gaartay oo ka ag dhowaa goobta, balse weli si dhab ah looma oga khasaaraha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com