Qarax ismiidaamin oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay Beledwayne

HomeWararka

Qarax ismiidaamin oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay Beledwayne

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin oo kadhacay duhurnimadii maanta magaalada B/wayne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ku dh

Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Maraykanku la Dagaalanka Argagixisada Geeska Afrika uma Baahna Garabka Itoobiya
WACYIGALINTA COVID-19 IYO SHACABKA DEGMADA GURSUM EE DDS (Warbixin)

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin oo kadhacay duhurnimadii maanta magaalada B/wayne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ku dhaawacmay toban qof oo kalle.

Qaraxa ayaa kadhacay maqaayad u dhow xarunta maamulka gobolka ee magaalada Beledwayne, kadib markii qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa markii uu beegsaday shacab goobta fadhiyay.

Duqa magaalada Beledwayne Cali Dhuux Cali Mahad Alle ayaa ayaa sheegay dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay inay ahaayeen dad shacab ah oo goobta kusugnaa.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa waxaa ku jiray dhowr wariye oo katirsan warbaahinta magaalada Beledwayne, waxaana ka mid ahaa C/Shakuur Maxamed oo u shaqeynayay Idaacadda Starfm iyo Saabtv, C/Qaadir Cumar Ibraahim RTN iyo Simba iyo Cabdullahi Cismaan Macallin Jubaland TV iyo codka Hiiraan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: