Qaramada midoobey oo sheegtay inay tageerayso doorasho loo dhanyahay

HomeWararka

Qaramada midoobey oo sheegtay inay tageerayso doorasho loo dhanyahay

Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulan aaladda fogaan aragga ah la qaatay Wasiirka Haweenka ee Xukuuma

Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay Tallaalka COVID-19
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)
Covid-19 oo markale soo laba kacaleyeey & dhimashada oo badatay

Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulan aaladda fogaan aragga ah la qaatay Wasiirka Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ka mid ah xaaladda dalka iyo doorka Wasaaradda ee horumarinta Haweenka.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo qorshe cad oo lagu gaarayo qoondada 30% ee ah haweenka doorashooyinka soo socda iyo in la hubiyo ka qeybgalka buuxa ee haweenka inta lagu gudajiro doorashada,

Mr James Swan ayaa xusay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay taageerto doorashooyin loo dhanyahay oo ka dhaca Soomaaliya.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa tilmaamtay in kan Wasaarad ahaan ay dadaal badan ku bixisay la kulanka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka iyo mas’uuliyin kale oo ay kala hadashay in la adkeeyo qoondada haweenka 30% inay ku yeeshaan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

0

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: