Qaramada Midoobey oo Kordhinaysa Taageerada Ay Siiso Soomaaliya

HomeWararka

Qaramada Midoobey oo Kordhinaysa Taageerada Ay Siiso Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antoni Gutters ayaa sheegay hadda Soomaaliya in ay ku sugan tahay xaalad u dhexeysa khatar iyo wanaag soo socda.

Madaxweynaha Zambia ayaa dhigiisa Masar kala wareegay Xilka Meertada ee Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika
Jaamacada Baddacas Bosaaso oo lagu qabtay Fagaare Cilmiyeed ku saabsan Isbeddallada  Geeska Afrika (dhegayso+Sawiro)
Saaka & Dunida iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe ( dhegayso)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antoni Gutters ayaa sheegay hadda Soomaaliya in ay ku sugan tahay xaalad u dhexeysa khatar iyo wanaag soo socda.

Waxa uu sheegay Soomaaliya in ay kordhisay tayadeeda maamul, Waxyaabaha aas aaska u ah xasillooni dheeraad ahna la diyaariyay, laakiin dhammaan guulahan ay gaareen Madaxweynaha iyo Dowladda aysan weli aheyn kuwo nugul oo aan adkeyn.

Gutters ayaa sheegay Soomaaliya in ay u baahan tahay maalgashiyo lagu badbaadiyo horumarka la sameeyay isla markaasna deg deg wax looga qabto xaaladda cunno la’aanta ah ee sii kordheysa ee saamaynaysa malaayiin dad Soomaaliyeed ah.

“Noloshooda waxaa burburiyay dhibaatooyin halis ah oo is biirsaday oo isugu jira Abaar daba-dheeraatay, saboolnimo baahsan iyo u-nuglaan, waxaana ula sii jirta barakac iyo xasillooni-darrida dalka ka jirta iyo weliba xadgudubyo lagu sameeyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaalka iyo sharciga xuquuqul insaanka kuwaas oo la socda weerarrada argagixiso ee dhammaanteen aan ka wada warqabno” Ayuu yiri Antonio.

Ugu dambeyntii Xoghayaha Guud ee QM ayaa sheegay Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibada taageera in ay sare u qaadeen oo ay kordhiyeen caawimaadda dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, isaga oo sheegay in ay kaalmo gaarsiiyeen dad ku dhow 2 milyan oo ka mid ah 5.5 milyan oo qof oo la qorsheeyay in la gaarsiiyo cunto, lacag caddaan ah, Daweyn nafaqo, adeeg caafimaad, biyo nadiif ah iyo adeegyo lagu badbaadinaayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 6
DISQUS: