Qaramada Midoobey oo Kordhinaysa Taageerada Ay Siiso Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antoni Gutters ayaa sheegay hadda Soomaaliya in ay ku sugan tahay xaalad u dhexeysa khatar iyo wanaag soo socda.

Waxa uu sheegay Soomaaliya in ay kordhisay tayadeeda maamul, Waxyaabaha aas aaska u ah xasillooni dheeraad ahna la diyaariyay, laakiin dhammaan guulahan ay gaareen Madaxweynaha iyo Dowladda aysan weli aheyn kuwo nugul oo aan adkeyn.

Gutters ayaa sheegay Soomaaliya in ay u baahan tahay maalgashiyo lagu badbaadiyo horumarka la sameeyay isla markaasna deg deg wax looga qabto xaaladda cunno la’aanta ah ee sii kordheysa ee saamaynaysa malaayiin dad Soomaaliyeed ah.

“Noloshooda waxaa burburiyay dhibaatooyin halis ah oo is biirsaday oo isugu jira Abaar daba-dheeraatay, saboolnimo baahsan iyo u-nuglaan, waxaana ula sii jirta barakac iyo xasillooni-darrida dalka ka jirta iyo weliba xadgudubyo lagu sameeyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaalka iyo sharciga xuquuqul insaanka kuwaas oo la socda weerarrada argagixiso ee dhammaanteen aan ka wada warqabno” Ayuu yiri Antonio.

Ugu dambeyntii Xoghayaha Guud ee QM ayaa sheegay Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibada taageera in ay sare u qaadeen oo ay kordhiyeen caawimaadda dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, isaga oo sheegay in ay kaalmo gaarsiiyeen dad ku dhow 2 milyan oo ka mid ah 5.5 milyan oo qof oo la qorsheeyay in la gaarsiiyo cunto, lacag caddaan ah, Daweyn nafaqo, adeeg caafimaad, biyo nadiif ah iyo adeegyo lagu badbaadinaayo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

6 responses to “Qaramada Midoobey oo Kordhinaysa Taageerada Ay Siiso Soomaaliya”

  1. qaramda modobey waa qaran dumis yaaa ila qabaa taaaaas asxaabtaaaaa reer daljir

  2. Wan ku faraxsanahay Isku duubnida madaxda somalida ayana sabab u ah

    1. qaramda midoobey daljir wali falo ma ka bixisay…..falanqeeeee……qaramda midiobey io wacqabka ay qabtaan…..????????

      1. zakariye siciid nuur

        radio daljir wan is in salaamay Maria xigta waa u mahad cilinayaa qaramada midooway tageera at LA garabtaagan yihiin umada soomaaliyeed madaxda soomaliyedna waa Ku mahad San yihiin sida fiican ay u qabsadeen shirka

  3. qaramada modobe marka dadka abaaresan yhin waxba ma siiyan lkn mrku robku da.o ayay balan qaadaan

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com