HomeWararka

Qaramada Midoobey oo cambaareysay gabar 9 jir lagu kufsaday Buulo Burde

Wakiilka Soomaaliya ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha UNFPA Andres Thomson ayaa si kulul cambaareeyay fal kufsi ah oo 29-kii bishan loogu ge

Urur siyaasadeedka Mideeye oo baaq Nabadeed u diray beelo ku dagaalamay deegaano katirsan Birta Dheer iyo Boocame (daawo)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman (dhegayso)
Wasiir Cabdirisaaq: “Ciidamda difaaca Puntlnad waxay la wargeen Degmada Tukaraq ee Sool, waxayna ku sii siiqyaan Magaalda Laascanood “

Wakiilka Soomaaliya ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha UNFPA Andres Thomson ayaa si kulul cambaareeyay fal kufsi ah oo 29-kii bishan loogu geystay magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan Gabar 9 sano jir aheyd.

War saxaafadeed ka soo baxay Wakiilka ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin falka foosha xun ee kufsiga loo geystay gabadha 9 sano jirka aheyd.

“UNFPA waxay garab taagantahay qoyska gabadha la waxyeeleeyey, waxayna ugu baaqeysaa in baadhitaan deg-deg ah lagu sameeyo dambigan foosha xun” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

“Waxaanu si adag u cambaareyneynaa falalkan foosha xun leh iyo inaan dib u xaqiijinno balanqaadkayaga ah inaanu garabtaagannahay xukuumadda iyo ummadda Soomaaliyeed si loo hubiyo in la dabargooyo xadgudubyada la xidhiidha jinsiga, oo ay la kulmaan gabdhaha iyo haweenkuba taas oo lagu waxyeeleeyo sharafka iyo xuquuqdooda aasaasiga ah ee aadanaha. Midaas oo la xaqiijiyo ayaa u horseedi karta nolol cabsi iyo xadgudub la’aan meel waliba ay ku nool yihiin iyo xalaad walbo hanaqoto xaalad binadanimo ama in kale” ayuu yiri Andres Thomson.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Mustafa bilaal 5 years ago

    LA xawla walaa quwta ilaa bilaah
    Waxaa wax sabab dhaqan xumadii
    Jabhadii daydayga ahaa we USC

DISQUS: