Qaramada Midoobay: “2.6 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka”

HomeWararka

Qaramada Midoobay: “2.6 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka”

Maanta waxa dunida laga xusaa Maalinta Qaxootiga Adduunka, bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay maanta ku baaqday in la ilaaliyo

Madaxwayne Farmaajo oo xalay kulan la yeeshay maamulka Galmudug
DAAWO: GUDIGA DOORASHOOYINKA HEER FADARAAL OO BEENIYEY IN XILKII LAGA QAADEY GUDOOMIYIHII G/DOORASHOOYINKA GALMUDUG
Garoowe: Caaqil Siciid Cismaan ( Shanlayste) oo baaq Nabadeed udiray beelihii ku dagaalamay gobolka Bari (dhegayso)

Maanta waxa dunida laga xusaa Maalinta Qaxootiga Adduunka, bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay maanta ku baaqday in la ilaaliyo guulihii laga gaaray yareynta dhibaatada heysata qaxootiga ku sugan Soomaaliya, iyadoo dalku uu xoogga saarayo ka-jawaab celinta aafada COVID-19.

“Hay’adaha Soomaaliya waxay dadaal dhab ah oo hagar la’aaneed u galeen taageerada iyo dhowridda xuquuqda magan-gelyo iyo badbaadinta dadka ku barakacay colaadaha, cadaadis ay ka carareen iyo saameynta isbedelka cimilada. Arintan waxaa sii adkeeyay aafada cusurka COVID-19 – waa in [hay’adaha Soomaaliyeed] lagu amaano dadaalladooda,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Maalinta Qaxoontiga Adduunka waxay ku soo beegantay waqti ay Soomaaliya ka jirto khatar saddex-geesood ah – ka-sokow aafada COVID-19, dalku wuxuu la tacaalaayaa la-dagaallanka ayaxa iyo fatahaado. Arrimahaan waxaa ka dhashay caqabado aan horay loo arag, laakiin waxaan aragnay adkeysi iyo waxqabad muuqdo oo ay muujiyeen dadka soo barakacay oo kaalintooda ka qaatay sameynta is-bedello, iyagoo ku dhaqaaqay hawlo [kaladuwan] sida sameynta maryaha sanka iyo afka lagu xirto (face masks) iyo saabuun. Waa in aan garab istaagnaa oo aan xaqiijino in guulaha la gaaray aan la lumin,” ayuu yiri Wakiilka Xafiiska Ergeyga Sare ee QM u qaabilsan Arrimaha Qoxootiga (UNHCR), Johann Siffointe.

Ugu yaraan 2.6 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, iyadoo sidoo kale dalku uu martigeliyay dad ka badan 30,000 oo qaxooti iyo magangelyo-doon ah, oo badankood ka yimid Itoobiya iyo Yemen.

Gudaha Soomaaliya, qaxootiga iyo dadka barakacayaasha ah waxay si gaar ah ugu nugul yihiin cudurka faafa ee COVID-19 maadaama tiro badan oo dad ah ay ku nool yihiin xarumaha mashquulka badan ee magaalooyinka iyo deegaanada dadka barakacayaasha ah (IDPs).

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: