Madaxwayne Farmaajo oo xalay kulan la yeeshay maamulka Galmudug

HomeWararka

Madaxwayne Farmaajo oo xalay kulan la yeeshay maamulka Galmudug

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la yeeshay maamulka iyo shacabka Galmudug ee koonfurta Gaa

Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Farmaajo oo khudbad ka jeediyeey Shirka Dhaqaalaha Badda
Puntland oo laga helay kisaas cusub oo Covid19 ah

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la yeeshay maamulka iyo shacabka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo.

Kulanka ayaa ahaa mid soo dhoweyn loogu muujinayay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la filayo inuu booqasho ku tago deegaamada Galmudug.

Xildhibaano katirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf , fanaaniin iyo masuuliyiiin kale ayaa ka qaybgalay kulanka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyey qorshaha nabadaynta ee madaxwaynaha Soomaaliya uu ka bilaabay magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug inay nabad kuwada noolaadaan.

Madaxwaynaha ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Caabudwaaq.

Hoos kadaawo sawirada

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: