Puntland: Xulka gobolka Haylaan oo Muqdisho laga hor istaagey (Warbixin)

Puntland: Xulka gobolka Haylaan oo  Muqdisho laga hor istaagey (Warbixin)

Xukuumada Puntland ayaa ku hawlan hakinta socdaal ay Xamar ku tegi lahaayeen Xulka kubadda cagta gobolka Haylaan ee ku guulaystey Koobka goboladda Puntland, warkan oo Warbaahinta Daljir heshay ayaa sheegay in Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland, ay ka biyo diidey socdaalka dhalinyarada koobka qaaday ku tegi lahaayeen Xamar.

Garoomadda Diyaaradaha ee Puntland ayaa la amray inaysan ka dhoofi karin Dhalinyaradu, Sidoo kale masuuliyiin ka socda Wasaaradda Ciyaaraha ayaa tegey Kaantaroolada ka baxa Garoowe oo la sheegay in lagu Amray in dhalinyaradaasi aysan ka gudbi karin.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta loo cuskaday diidamada socdaalka dhalinyaradan Wararku waxay sheegayaan in Puntland u aragto Arimo siyaasadeed socdaalka Dhalinyaradani.

Waxaa socda Kulamo ay leeyihiin Wasiirka Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland iyo Masuuliyiinta kujira Xukuumada Puntland ee laga soo doorto goboladda Haylaan iyo Sanaag, Kulamadan ayaa la sheegay in looga arinsanayo sidii Xulka gobolka Haylaan loogu qancin lahaa inay safarkaasi ka baaqdaan.

Xulka gobolka Haylaan oo socdaal dabaaldeg ah kusoo maray deegaano badan oo Puntland ah ayaa haysta Casuumaad rasmi ah oo Muqdisho ay ku tegayaan, Ciyaar saaxiibnimo ayay u balansanaayeen inay Xamar kula dheelaan Kooxda Horseed FC oo haysata Horyaalka Muqdisho.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com