HomeUncategorized

Puntland: Xiisadaha Gaalkacyo Dowladda Muqdisho ayaa ka Danbaysa

Somalia, November 26, 2015 (Daljir) — Shan xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay xiisada ka aloosan magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Faadumo Ladan.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Kooshin.

Somalia, November 26, 2015 (Daljir) — Shan xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay xiisada ka aloosan magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.

Xildhibaanadaan oo shirkooda jaraa’id marka hore ku sheegay inay ka xun yihiin dagaalka tacsina u diray dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ehelkooda ayaa sheegay inay ka danbeeyaan dagaalka gacmo shisheeyo oo dano gaar ah wata.

Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba Daareed oo ka mid ah xildhibaanada saxaafada kula hadlay magalada Garowe , ayaa tilmaamay in arrintaasi ku lug leedahay dowladda Federaalka Somalia, islamarkaana dabada ka riixayso maamulka Galmudug, wuxuuna ku eedeeyay inay ka soo horjeedo maamullada dhismaya iyo kuwii horay u dhisnaa, isla markaana ku tumanayso dastuurka dalka iyo dadka Somaliyeed ka dhaxeeya. Federaalka ayuu ugu baaqay inay ka baxaan arrimaha Siyaasadeed ee faraha kula jirto, kana shaqayso maslaxadda umadda Somaliyeed.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: