Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Qaabilay Madaxa UNDP ee Soomaaliya

Somalia, November 26, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya George Conway.

Waxyaabihii kulankaasi  looga wada hadlay ayaa waxa akami mid ahaa  dar-dar gelinta Mashaariicda ay hay’adda UNDP ka fuliso Puntland , Caawimaadda ay UNDP siiso Wasaaradda Caddaaladda  iyo horumarinta Jeelasha Puntland.

Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya George Conway ayaa Sheegay inay sii xoojiyanayaa Taageerada ay siiso  tayyayna Jeelasha Puntland , iyo kor uqaadida waxbarashada gaara ahaan kulliyadda Sharciga oo ay UNDP ka caawiso Jaamacadda PSU.

Sidoo kale  Madaxa Hay’adda UNDP ayaa sheegay  inay  bilaabeen inay bixiyaan tababarro laxiriira  Dhallinyarada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadohooda shaqo si looga hortago Tahriibka iyo Dembiyada kale  isla mar ahaantaana lagu dhiiri geliyo Dhallinyarada sidii ay u samayn lahaayeen wax soo saar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr  Cabdiweli Maxamed Gaas  ayaa kula dardaarmay Hay’adda UNDP inay sii xoojiyaana shaqooyinka baaxadda leh ee ay kawado Puntland gaar ahaan taageera ay UNDP siisiyo Jeelasha, Caddaaladda iyo Kor uqaadida Sharciga, si looga badbaado falalka liddiga ku ah nolosha iyo horumarka.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com