Puntland & Soomaaliland oo la kala wareegey eedaysane ku lug lahaa Dilkii Sh/Cabdulqaadir Nuur Faarax

Garoowe,13, March,,2013 Ciidanka amaanka Somaliland ayaa maanta ku soo wareejiyey Puntland eedeysane ka mida dadkii wax ka maleegey dilkii Alaha u naxariistee Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.


eedaysanahaan ?oo lagu magacaabo Cabdulaahi Cismaan Axmed ”Caynte” ayaa u baxsadey dhinaca Somaliland? ka dib dilka Shiikh iyadoo lagu qabtey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ,waxana suurogashay ka dib wadahadal dheer oo ay yeesheen ?maaamulada Puntland iyo ?Somaliland laysku afgartay in lagu soo wareejiyo maamulka Puntland.

Saraakiisha Amaanka ayaa haatan baaritaano ku wada ,waxana? la helayaa warar ?in maxkamad la horkeeni doono dhamaan eedeysanayaasha loo haysto alle ha u naxariistee ?dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur.
?

Wasiirka Amniga Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan oo ay wehelinayaan saraakiil ciidan iyo xildhibaano ayaa eedaysanaha kala soo wareegey ?ciidanka Somaliland Degmada ?Tukaraq ee gobolka Sool ?kuwaas oo ka keenay ?magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.


Alle ha u naxariistee Shiikh C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa lagu diley ?Masjidka Al-Badr ee bartmaha magaalada Garowe ?15-kii February,2013 xili uu tukanayey Salaada Casarka.

Diiwaanka wararka Daljir

(C.X)

?

?

Home – Default

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso abaalmarin AMAL Bank. "AMAL BANK. YOUR FUTURE. OUR MISSION."

AMAL Bank ku Dirso, ku Keydso, ku Maalgasho! Hadaba si aad u hesho abaalmarin AMAL BANK qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]
AMAL Bank. "Your Future. Our Mission"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0