Puntland oo laga bilaabayo daaweynta dadka qaba xanuunada dhimirka

Garoowe, March 13- Hay?adda samafalka ee Manhal ayaa Puntaland ka? bilaabaysa daaweynta 1,000 qof oo qaba xanuunada dhimirka.


Daaweynta xanuunkaan oo ka dhacaysa? xarunta dadka dhimirka? la?a? Nasrulaah ee duleedka bari Garowe ayaa lagu daah furay munaasabad ay ka qeyb galeen mas?uuliyiinta uu kamid ahaa wasiirka caafimaadka Puntland.


Dad lagu qiyaasay 300 qof? oo xanuunsan oo laga keenay gobolada Puntland ayaa isla maanta loo bilaabay daaweynta xanuunkaan.


Gudoomiyaha xarunta dadka dhimirka la’a Xaawo Qeylo weyne ayaa sheegtay in howshaan samafalka in uu? qeyb weyn ku lahaa allaha unaxariistee Sh. C/Qaadir Nuur Faarax.


Aadan Axmed Daahir oo ah dhaqtar fulinaya daaweynta dadkani ayaa balan qaaday inay sida ugu wanaagsan ula tacaalayaan dadka xanuunsan ee aba xanuuanda dhimirka.


Wasiirka caafimaadka Puntland Cali C/laahi Warsame oo furey mashruucaan samafalka ah ayaa sheegay in xanuunada dhimirku? yihiin kuwa ugu badan ee ka jira deegaanada Puntland.


Waxaa wasiirku uu sheegay in dowladda Puntland? ay qorshe u meel dhigey wax ka qabashabada xanuunada dhimirka.


Diiwaanka Wararka daljir
Garoowe
(S)

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com