Puntland oo ugu baaqday DFS iyo Dowlad gobaleedyada shir looga hortagayo Cudurka Coronavirus (Daawo)

Puntland oo ugu baaqday DFS iyo Dowlad gobaleedyada shir looga hortagayo Cudurka Coronavirus (Daawo)

Wasiirka cafimaadka Dowladda Puntland Jaamac Faarax Xasan oo shir Jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka hadlay halista cudurka caronavirus uu haleelay wadamo daris la ah Somaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in aysan muuqan dadaal ay waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ku aadan sidii looga hortagi lahaa Caabuqa.

Waxaa uu sheegay in ay la xariireen Wasaaradda Caafimaadka heer Federaal laakiin aysan ka helin wali wax jawaab ah oo ku aadan sidii looga taageeri lahaa Puntland sidii looga hortagi lahaa Cudurka.

Wasiirka waxaa uu ugu baaqay dowlad goboleedka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay isku yimaadaan Shir deg deg ah oo looga hadlaayo Caabuqa iyo sidii loo sameyn lahaa Iskaashi buuxa.

Hoos ka daawo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com