HomeUncategorized

Puntland oo markii ugu horraysay tiro-koob iyo daryeel u fidinaysa carruurta agoonta ah iyo kuwa darbi-jiifka ah.

Caption ...

Wasaaradda warfaafinta Puntland oo sheegtay inay xiriir wanaagsan ay la yeelan doonto saxaafadda gobolka Bari
(DHAGEYSO WAREYSI) Laamaha Amniga ee gobalka Mudug oo ka hadlay Amaanka Gaalkacyo
DHEGEYSO-Galmudug oo war kasoo saartay go’aankii Puntland xuduudaha kuxidhay.

Garowe, June 13- Waxaa si rasmi ah gobollada Puntland looga bilaabay qorshe baaxadleh oo lagu daryeelayo carruurta da?yarta ah gaar ahaanna agoonta iyo kuwa darbi-jiifka ah ee aan haysan hooy ay gabaad ka dhigtaan iyo hoyaatin qooyseed midna.

Qorshaan oo ah mid ay iska-kaashanayaan hay?adda daryeelka bulshada Puntland iyo wasaaradda qorshayntu ayaa hal ku dhiggiisu yahay tiro-koobidda iyo xannaanaynta carruurta agoonta ah iyo kuwa dabbi-jiifyada ah, waxaana uu xambaarsan yahay qorshe quudin, xannaanayn iyo wax-barid iskugu jira.

Mashruucaan oo loogu talo-galay in laga hirgalyo dhammaan gobollada iyo degmooyinka Puntland ayaa koobaya soona aruurinaya wadar-ahaanta ubadka agoonoobay iyo kuwa ka barabaxay eheladoodii ee gidaar-jiifyada ah, waxaana dib loogu unkayaa nolol cusub oo ay yeesheen carruurtaasi.

Qaybtii koowaad ee lagu daaf-furayey musharuucaas ayaa saaka laga bilaabay magaalada Garoowe, waxaana xaflad ku astaysnayd hirgalintiisa lagu qabtay xarunta wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland taasoo lagu marti-qaaday mas?uuliyiin badan oo ka socotay hay?adaha dawliga ah ee gacanta ku haya mashruuca, hay?ado caalami ah, guddi loo xilsaaray u kuur-galidda nolosha carruurta dayeelka u baahan iyo marti-sharaf kaleeto.

Mas?uuliyiinta dawladda ee ka qayb-galay furitaanka mashruuca waxaa ka mid ahaa wasiirka caddaaladda ahna ku simaha m/weynaha Cabdikhaliif Ajaayo, waxaana khudbad uu halkaasi ka jeediyey uu uga warramay ahmiyadda mashruucaan oo uu ku tilmaamay mid dhaxal-gal ah wax bandanna ugu yaalla ubadda reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba.

Haddii uu hirgalo mashruucani carruurta ugu badan ee looga faa?ideeyaa waxay noqon-doonaan kuwa ka soo jeeda qooysaska faraha badan ee ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya, kuna sugan gobollada Puntland.

Diiwaan wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: