HomeUncategorized

Puntland oo furtay weji kale oo Talaalka dabaysha kaas oo ay helayaan 495 kun oo caruura (MAQAL)

Garoowe, September 15, 2013 - Wasaarada caafimaadka ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday weji kale oo ka mid ah Talaalka cudurka dabaysha, guud ahaan deeganada oo dhan waxaa maanta ka furmay wejiga 7-aad.

Dhagayso Axmed Cawil: Hanjabaadii Soocade wali farbaa nooga taagan, Dacwad ayaana gudbinay
?Muranka ka dhex taagan mudanayaasha federaalka waa mid lagu carqaladaynayo shirka Garowe si uusan u dhicin? Madaxweyne Faroole.
XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR | BOSAASO 8- NOVEMBER- 2022

Garoowe, September 15, 2013 – Wasaarada caafimaadka ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday weji kale oo ka mid ah Talaalka cudurka dabaysha, guud ahaan deeganada oo dhan waxaa maanta ka furmay wejiga 7-aad ee talaalka cudurka dabaysha oo socon doona lix maalmood.

Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka ee Puntland Saynab Ugaas Yaasiin oo maanta shir jaraa?id ku qabatay Garoowe ayaa sheegtay in talaalkan laga fulin doono dhamaan gobollada Puntland, qorshaha Talaalkan ayaa ah mid ka balaaran sidii hore iyadoo ay ka faa?iidaysan doonaan dadka weyn.

Agaasimaha daryeelka asaasiga ah ee wasaarada caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Garweyne oo la hadlay Daljir, wuxuu sheegay in talaalkan ay ka faa?iideysan doonaan 495 kun oo caruur ah, qorshaha talaalka ayaa waxaa ku jirta ay in ay kaa faa?iideysan karaan caruurta da?doodu ka yartahay 5 sano.

? Waxaa la diyaarshay kooxo kala gedisan oo ka shaqayn doona howlaha Talaalka iyo gaarsiinta dadka, waxaa noo degsan qorshe balaaran oo ah in ay caruurta da?doodu ka yartahay 10 sano ay helaan talaalka? ayey tiri Saynab Ugaas.

Kiisaska cudurka dabaysha ee Soomaaliya ayaa hadda maraya 169 ruux oo labbo ka mid ah ay joogaan Laascaano iyo Boosaso, Marwo Saynab Ugaas waxay sheegtay in deeganada Puntland laga sii wadi doono talaalka dabaysha ilaa la dabar goynayo kiisaska xanuunkan, waxay waalidiinta ugu baaqday in ay talaalka ka faa?iideystaan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

DHEGEYSO:- hadalka wasiir ku xigeenka caafimaadka Saynab Ugaas oo shir jaraa?id ku qabatay Garoowe

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: