Puntland oo Farmaajo ugu baaqday inuu dib ugu laabto gogosha wadahadalka ee Afisiyooni

HomeWararka

Puntland oo Farmaajo ugu baaqday inuu dib ugu laabto gogosha wadahadalka ee Afisiyooni

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Debaraani ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ku dalbaday in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaa

Dowladda Soomaaliya oo lagu Cadaadinayo in ay Xiriirka u Jarto Qadar (warbixin)
Ciidamadda Dowladda Federaalka oo howlgal ka wada Shabeelaha Hoose (Sawiro)
Warka Fiidnimo, Cabdishakuur Sunni Gaagaab, Daljir Garoowe (dhegayso)

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Debaraani ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ku dalbaday in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dib ugu laabto gogosha wadahadalka ee Afisiyooni.

Jaamac ayaa ka digay in Madaxweyne Farmaajo uu sabab u noqdo fashil ku yimaada wadahadalka socda ee xalka looga raadiya qabsoomidda Doorashooyinka Dalka ee salka u ah heshiiskii 17-kii September 2020 ka dhacay Muqdisho & is afgaradkii 16-kii Febaraayo 2021 ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta kMG ah DG Koofur Galbeed.

“Waxa aan ugu baaqeyna Madaxweyne Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Madaxtooyada DG Puntland.
Akhriso.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Hadii aydaan jid iyo jahatoona garanayn gogosha ma hayska taallaa.
    Ar badhida boodhka kahufta.

DISQUS: