JABUUTI: Geelle oo ku guuleystay Doorashada madaxweynaha

HomeWararka

JABUUTI: Geelle oo ku guuleystay Doorashada madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuleystay Doorashada Madaxtinimo ee ka dhacday shalay dalkaasi Jabuuti. Geelle

Marabtaa inaad Caloosha Jarto? Jawaabu haday tahay haa, Maxaa lagaa rabaa inaad samayso? (daawo)
SHIRKA MUQDISHO IYO WAXA LAGA FILAN KARO (WARBIXIN)
Shir looga hadlayo Dib u eegista Barnaamijka Cadaaladda oo Muqdisho ka furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuleystay Doorashada Madaxtinimo ee ka dhacday shalay dalkaasi Jabuuti.

Geelle ayaa helay in ka badan 98% Codadka la dhiibtay isla markaana la tiriyay, waxa uu sidaas uga adkaaday Musharaxa la loolamay ee Sakariye Ismaaciil Faarax oo aan haysan metalaad Xisbi ah isla markaana uu ahaa Shaqsi Madax-bannaan.

Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in Madaxweyne Geelle oo muujiyay dedaal xooggan & soo bandhigista Olole uu ku tagay Gobollada & Degmooyinka Jamhuuriyadda Jabuuti ugu dambeyn gaaray halkii uu hiigsanayay oo ah in markale uu xilka ku guuleysto.

Guddiga Doorashada Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegay in tirada codeysay in ay dhan tahay 167,535-ruux, markii la tiriyay uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle helay boqolley ahaan 98.58% halka Musharaxa kale uu helay 1.42%.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxweynaha Jabuuti noqday 1999-kii, waxa uu dalkiisa u horseeday waxqabad muuqda, isbadal Ganacsi, is dhexgalka Dalalka kala duwan ee Caalamka & martigelinta shirar kala duwan oo intooda badan uu u qabtay Soomaalida.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: