Jarmalka oo digniin udiray Ruushka

Jarmalka oo digniin udiray Ruushka

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa ugu baaqdey in Ruushka uu joojiyo ciidamada uu kusoo daabulayo xuduuda u dhaxaysa Ukraine iyo Ruushka iyada oo laga cabsi qabo in ay xiisadi ka qaraxdo gobolka Donbas.

Ciidamada Ukraine iyo jabhad uu taageero Ruushku oo doonaya in ay goostaan gobolkaas ayaa dagaalo waxa ay ku dhex mareen deegaankaas oo qaybo badan oo ka mid ah ay jabhadu qabsatey bishii Abril ee sannadkii 2014kii.

Xubnaha ku jira ururka NATO ayaa sheegay in qaabka keliya ee lagu soo afjari karo rabshadaha deegaankaas ka aloosani ay yihiin dulblamaasiyad, Mareykankuna dhowaan ayuu ka dalbay in Ruushku sharxo dhaqdhaqaaqyada uu ka wado deegaankaasi.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com