Nin u dhashay qowmiyadda Amxaarada oo BKM Soomaalida Jigjiga u hanjabay lana soo qabtay

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Nin u dhashay qowmiyadda Amxaarada oo BKM Soomaalida Jigjiga u hanjabay lana soo qabtay

Ciidamada ammaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) siiba Komoshinka Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay Memar Tadesse, ahna nin u dhashay qowmiyada

MARTISOOR: Xasan Jabhad iyo waayihiisii Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed (WSLF) iyo wacyiga maanta iyo Jigjiga (dhegayso)
SOOMAALI GALBEED & AFKA SOOMAALIGA | DALJIR KA BARO LAHJADAHA AFKA SOOMAALIGA & TAXANAHA 1aad (daawo)
Masjidka Dugsiga Sare ee Jigjiga oo albaabadiisa iyo darbiyadiisa lagu xardhay calaamadda Kiristaanka

Ciidamada ammaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) siiba Komoshinka Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay Memar Tadesse, ahna nin u dhashay qowmiyada Amxaarada, ku nool magaalada Jigjiga, kaddib markii uu bartiisa bulshada Facebook ku faafiyey qoraal iyo sawir asaga oo huwan qoriga weyn ee Bareemka (BKM).

Tadesse ayaa sawirka uu soo saarey bartiisa Facebook raaciyey qoraal ah “waa isku difaacayaa!!”

Memar Tadesse oo hore uga shaqeyn jirey hay’adda “Rehabilitation and Development Organization (RADO)” laanta Qabribayax ayaa lagu yiqiin cunsurinimo iyo naceyb dadka Soomaalida iyo diinta Islaamka ayaa haddana lagu eedeeynayaa in uu Jigjiga ku iibiyo dawooyinka caafimaadka (pharmacy) ee wakhtigoodu dhacay.

Komoshinka Booliska DDS ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaano xaafado Jigjiga oo hore looga shakiyey in ay ku noolyihiin shacabka qowmiyadda Amxaarada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: