Natiijooyinka doorashada Congo oo dib loo dhigay iyadoo ay jirto baqdin

Natiijooyinka doorashada Congo oo dib loo dhigay iyadoo ay jirto baqdin

Natiijooyinka doorashada madaxtinimo ee jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo ayaa dib loo dhigay, iyadoo ay Axaddii lasoo dhaafay ay ahayd waqtiga kama dambaysata ee lagu waday in la shaaciyo.

Natiijada doorashada ayaa mar kalle dib loo dhigay , sida guddiga uu sheegay waxaana laga cabsi qabaa inay dhaliso iska horimaadyo iyo rabashado ka qaraxa dalkaasi oo sanadihii 2006dii iyo 2011kii ay hareeyeen rabshado kadhashay doorashooyinkii dhacay.

Guddiga oo loo yaqaano CENI ayaa sheegay kaliya 47 boqolkiiba waraaqaha doorashada inay heleen.

Macadda waqtiga la shaacin doono natiijada doorashada  madaxtinimo ee Congo, balse guddiga ayaa sheegay inay hadda diyaarsanayn.

Waxaa guddiga uu ku sababeeyey dhibaaooyin dhanka logisticada ah iyo baaxadda dhulka wadanka Congo oo aad u wayn.

Dhanka kalle walaacyo caalami ah ayaa soo baxaya oo ku aadan in awoodda uu wareejiyo madaxwayne Kabiila haddii looga guulaysto doorashada,Golaha Ammaanka ee QM ayaa Jimcihii kulmay, waxaana ay diiradda saareen sida looga falcelin karro xaaladda Congo, balse iskuma ay raacin wax heshiis ah sida ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dowladaha Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ugu yeeray madaxwayne Kabiila inuu ilaaliyo isbadal nabad  ah.

Madaxwaynaha Mareykanka Donalad Trump ayaa ku dhawaaqay oo amray militariga Mareykanka in loo daad gureeyo wadanka Gabon oo ka mid ah sagaalka wadan ee xuduudda la leh Congo, si’ay u difaacaan muwaadiniinra Mareykanka iyo diblumaasiyiintiisa haddii ay rabshado ay dhacaan.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com