Natiijada horudhaca ah ee wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha

HomeWararka

Natiijada horudhaca ah ee wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha

Doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka socota teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana wareega koowaad ee doorashada Maanta ku ta

Maxaad ka Taqaan Mujaahid Barkhad Yuusuf Burunti, Askarigii ku Dhintay Qaraxii Bossaso?
DAAWO BILICDA DHUL UDUG, QURUXDA XEEBAHA | BADDII, BUURIHII, BIYIHII MACAANAA (Diiran iyo Qabow ) IYO XOOLO DAAQEENKII OO ISA SAARAN! (SAWIRRO)
Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Xeerka Saxaafadda (Daawo)

Doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka socota teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana wareega koowaad ee doorashada Maanta ku tartamay 33 Musharrax, iyada oo ay tartanka ka hareen ilaa 29 Musharax.

Ilaa 302 Xildhibaan oo katirsan Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku sugan doorashada oo Maanta codkooda dhiibanayay, waxaana wareega labaad ee doorasha u gudbay 4-ta Musharrax ee ugu codka badan, kuwaas oo kala ah

1: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday oo Cod 59 Cod

2: Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland oo helay 65 Cod

3: Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo helay 47 Cod

4: Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo helay 52 Cod

Waxaa jira codad badan oo gaaraya illaa 13 oo hallaabay.

Siyaasiyiinta ugu caansan ee ka haray doorashada wareega labaad ayaa waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cabduqaadir Cosoble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa goordhow bilaabaneeysa wareega labaad ee doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku tartami doona Afarta Musharrax ee ugu codadka badan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: