Nairobi oo lagu qabanayo shir looga hadlayo argagaxisada

HomeWararka

Nairobi oo lagu qabanayo shir looga hadlayo argagaxisada

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay, Antonio Guteres, ayaa lagu wadaa in uu Todobaadka soo socdo gaaro Magaalada Nairobi, isagoo halkaasi kaga qeyb ge

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk Ayaa Xabsi Guri La Geliyay
Guddoomiyaha Gudiga isbadaldoonka Jubbaland oo ka hadlay doorashadda Jubbaland (dhegayso)
Khilaaf ka dhashay muran dhinaca dhulka ah oo la xaliyeey (Daawo)

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay, Antonio Guteres, ayaa lagu wadaa in uu Todobaadka soo socdo gaaro Magaalada Nairobi, isagoo halkaasi kaga qeyb geli doono shir ku saabsan ka hor tagga iyo la dagaallanka Argagixisada.

Antonio Guteres, ayaa 10-ka Bishan July, ka furi doono Magaalada Nairobi kulan heer sare ah oo ay Waddamada Gobolka ka yeelan doonaan Arrimaha argagixisada, iyadoo la filayo in uu halkaasi kula kulmo hoggaamiyeyaasha Mandiqadda iyo madax kale.

Mr;Guterres; ayaa sidoo kale la filayaa in uu ka qeyb qaato kulan ay Dhallinyarada Gobolka kaga hadli doonaan ka hortagga afkaarta xag-jirnimada iyo Gacan ka hadalka, sida uu sheegay afhayeenka xoghayaha guud.

Soomaaliya ayaa ka mid ah Waddamada lagu wado in ay shirkaasi ka qeyb gasho, maaddaama ay Dalku ka jiraan kooxo Argagixiso ah, oo ay Dowladda Federaalka oo kaashanaysa Beesha Caalamka iyo QM dagaallo kula jirto.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: