HomeUncategorized

Nabadoonada gobolka Bari oo soo dhoweeyay howlagalo ay ciidamada amaanku wadaan

Bosaso, May 10 - Hogaamiye dhaqameedka gobolka Bari ayaa maanta soo dhoweeyey howlgalada ay ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso dhowaan ka sameeyeen xaafado kuyaala magaalada Boosaaso.

Baahin: Sabti, Oct 15, Weriye Adam Shardi ~ Daljir ~ Galkacyo. R/wasaare Gaas oo tafaasiil ka bixiyey kulan uu Muqdisho kula yeeshay Amb. Mahiga; Shir wadatashi ah oo Garowe ku dhex maray madaxda Puntland, dawlada federaalka ah & Ahlu-sunna; Dawlada hoose ee Galkacyo oo hawlo ka bilawday xaafada Garsoor; ciidanka amniga oo iyana ka hawlgalay koontaroolka koonfureed ee magaalada.
Madax isku dhaf heer caalami ah oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose
Beledweyn oo uu saaka ka qarxay dagaal xoogani & magaalada oo u gacan gashay Xisbul Islaam.

Bosaso, May 10 – Hogaamiye dhaqameedka gobolka Bari ayaa maanta soo dhoweeyey howlgalada ay ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso dhowaan ka sameeyeen xaafado kuyaala magaalada Boosaaso.

Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago oo ah afhayeenka nabadoonada gobolka Bari ayaa ka sheegay kulan nabadoonada ay maanta magaalada Boosaaso ku yeesheen inay soo dhoweynayaan howlgaladii ay ciidamada amaanku dhowaan ku qaadeen dadka ka gancsada maandooriyaha.

Waxaa uu u jeediyay ciidamada amaanka inay sii joogteeyaan howlgalada amniga ay ku sugayaan islamarahaanatna lagu beegsanayo dadka ku howlan samaynta iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

Sidoo kalle Nabadoon Yuusuf Faarax Cali oo isaguna ka hadlay shirka ayaa soo dhoweeyey howlagalada ay ciidanku wadaan, waxaana uu ka codsaday dowladda inay sharciga horkeenta dadka maandooriyaha ka ganacsada, laguna ciqaabo falka ay ku howlanyihiin.

Ciidamada amaaanka ee magaalada Boosaaso ayaa todobaadkan howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso waxaa ay ku xireen 23-qof oo lagu eedeeyey ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: