HomeUncategorized

Hugo Chavez oo laga daweeyey cudurka kansarka

Caracas, May 12 - Madaxweynaha dalka Venezuelan Hugo Chavez ayaa kasoo laabtay dalka Cuba, isagoo sheegay in si dhamaystiran looga dabiibay cudurka Kunsar oo uu bilihii ugu dameeyey u xanuunsanaa.

Qurbajoogta Puntland ee Yurub oo ku dhawaaqay urur siyaasadeed Cusub
Ruushka oo labo-jibbaaray duqaymaha uu u gaysto dalka Suuriya
Baahin: Sabti, Jul 09, Weriye Adam Shardi ~ Daljir ~ Bossaso. Sahan biyeed cilmiyaysan oo ka bilawday degmooyinka gobolka Bari; Rasaas lagu furay markab dagaal oo laga leeyahay Britain oo doonayey in uu ku soo xirto marsada Laas qoray; Gaadiidka dadweynaha ee magaalada Garowe oo shaqo joojin sameeyey, kuna sababeeyey sare u kac qiime shidaal; Wafti ka socda dawlada Puntland oo ku sugan Ufayn; Somali lagu laayey dalka Zambia; Gargaar loo fidinayo dadka ay abaartu saameeyeen oo ka bilawday Muqdisho.

Caracas, May 12 – Madaxweynaha dalka Venezuelan Hugo Chavez ayaa kasoo laabtay dalka Cuba, isagoo sheegay in si dhamaystiran looga dabiibay cudurka Kunsar oo uu bilihii ugu dameeyey u xanuunsanaa.

Muuqaalo TV-ga laga sii daayey ayaa muujinayey Mr Chavez oo salaamaya wasiiraddiisa , islamarkaasina qaadaya heeso wadani ah ,kaddib markii uu ka soo degay madaarka caalamiga ah ee magaalada Caracas ee xarunta dalkaasi.

Xaalada caafimaad ee Madaxweyne Hugo Chavez ayaa dhalisay xiisad dhinaca siyaasadda ah,iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka ah ay ku doodayaan in haddii madaxweynuhu xanuunsanyahay aanu buuxinkarin xafiiska ugu sarreeya qaranka.

?waxaan idiin sheegi karaa in aan maalmihii ugu dameeyey dhamaystay daweyntii,waxaan la imi rajo wanaagsan oo ah in daweyntan ay shaqayn doonto ,sidaasi ayeynu rajeyneynaa ,markasta waaxan illaah weydiisanaynay in uu ina siiyo mucjiso nolosha ah si aynu u khidmayno ama u adeegno” ayuu yiro Hugu Javez.

Mdaxaweyne Hugo Chavez oo 57 jir ah ayaa awooodda dalkaasi Venezuela hayey tan iyo sanadkii 1999kii ,waxana uu sanadkii 2002dii ka badbaaday inqilaab ama afgenbi la doonayey in xukunka lagaga tuuro oo laga soo abaabulay dhinaca dalka Maraykanka.

Abdirashid Musse
Daljir Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: