Nabadoon lagu dilay Muqdisho

Nabadoon lagu dilay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa waxa ay xalay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dileen Nabadoon Caan ah oo lagu magacaabo Maxamed Xasan.

Allaha u naxariistee Nabadoon Maxamed Xasan Nuur Muuse ayaa lagu dhex diley guri uu ka degenaa xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid.

Lama oga cidda ka dambeysay dilka nabadoonka iyadoo dadkii dilkiisa ka dambeeyay ay baxsadeen kahor inta aysan gaarin ciidamada Booliska halka lagu diley nabadoonka.

Dilalka noocan oo kale ah ee ka dhaca Muqdisho waxaa sheegta Alshabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com