Nabadoon Iyo Imaam Masjid oo lagu Diley Afgooye

Nabadoon Iyo Imaam Masjid oo  lagu Diley Afgooye

Nabadoon Cismaan Cabdi Saalax iyo Sheekh C/llaahi Axmed Caliyow ayaa dabley hubeysan si kala gaar ah ugu dishey magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Wararka waxa ay sheegayaan in Nabadoon Cusmaan Cabdi Saalax lagu dilay gurigiisa halka Sheekh Cabdulaahi Axmed oo immaam ka ahaa masjid ku yaal xaafada Raqayle la diley xilli uu ka soo baxay salaada Cishe.

Majirto cid sheegatay inay ka dambeyso dilalkan xalay ka dhacay magaalada Afgooye oo bilihii la soo dhaafay ahayd meel amnigeedu uu wanaagsan yahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com