Nabadoon  Al Shabaab katirsanaa  oo isku soo dhiibay maamulka Jubbaland.

HomeWararka

Nabadoon Al Shabaab katirsanaa oo isku soo dhiibay maamulka Jubbaland.

Mid ka mid ah Nabadoonada Al shabaab ee Koofurta Soomaaliya ayaa iska dhiibay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose sida lagu sheegay war ka soo ba

Galgaduud: Khasaare ka dhashay Dagaal dhexmaray Miltariga dowladda iyo Al-shabaab ( daawo)
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre Iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Faransiiska (daawo)
GARACAD, DEKEDDA GARACAD & RIYADII RUMOOWDAY | SAFARKII 2aad

Mid ka mid ah Nabadoonada Al shabaab ee Koofurta Soomaaliya ayaa iska dhiibay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose sida lagu sheegay war ka soo baxay Maamulka Jubbaland

Ciidanka ammaanka Degmadda Af-madoow waxaa isku soo dhiibay Ugaas Maxamed Macallin Muxumed oo loo yaqaan Maadeey.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ugaas Maxamed Macallin uu Al shabaab wakiil uga ahaa mid ka mid ah beelaha dega Koofur Soomaaliya,hayeeshee haatan uu isku soo dhibay Ciidanka Jubbaland maamulka Jubbaland.

“Waxaa uu kamid ahaa odayasha dhaqanka ee ay sameysteen kooxda argagixisadda Al-Shabaab isagoo Ugaas u ahaa beel kamid ah beelaha Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war lagu daabacay warbaahinta Jubbaland.

Ciidanka Amaanka Afmadow ayaa Ugaaska uga mahadceliyay go’aankiisa ah in uu isku soo dhiibo,waxa uuna ka sheegay sababta keentay in uu iska soo baxo deegaanada ay Maamulaan Al shabaab ee Goboladda Jubbooyinka iyo Gedo.

“Mudana la shaqeynayay kooxda, waxaa uu sheegay in dhibaato ay kooxda u geysatay kaddibna uu ka soo baxsaday degmadda Jilib laba cisho ka hor, maamulka degmadda Af-Madoow iyo laamaha ammaanka Jubbaland ayuu uga mahadnaqay sida ay u soo dhaweeyeen” ayaa lagu qoraalka.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Al shabaab oo laga hadlay sheegashada Maamulka Jubbaland ee ah in uu isku soo dhiibay Nabadoon Al shabaab wakiil uga ahaa mid ka mid ah beellaha dega Koofurta Soomaaliya,mana jirto cid ka madaxbanaan Jubbaland oo xaqiijinaysa in Nabadoonkaan uu la shaqaynaayay Al Shabaab.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: