Muxuu yahay xalka Itoobiyaanka buuxiyay xaafadaha Bosaso? (dhegayso)

HomeWararka

Muxuu yahay xalka Itoobiyaanka buuxiyay xaafadaha Bosaso? (dhegayso)

Ma haystaan hoy oo waxaa ay seexdaan waddooyinka kale duwan ee magaalada Bosaso xiliyada habeenkii, waxaana ay ku saxaroodaan waddooyinka iyo luuqyada

Saamayn intee la’ eg ayaa joojinta mashruuca wadada Garoowe iyo Gaalkacyo keeni kartaa?
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)
Kulankii Barlamaanka Puntland oo buuq ku soo idlaaday

Ma haystaan hoy oo waxaa ay seexdaan waddooyinka kale duwan ee magaalada Bosaso xiliyada habeenkii, waxaana ay ku saxaroodaan waddooyinka iyo luuqyada ama waddooyinka ciriiriga ee xaafadaha,

Gaadiidka ayaa loo ogolayn xiliyada safarka ay kusoo jiraan ee kusoo jihaysanyihiin magaalada Bosoaso inay soo qaadaan, waxa ay badankood lug ay kusoo galaan magaaladada Bosaso iyagoo lug kasoo bilaabaya magaalada Garoowe deegaanada ka xiga xagga gobolka Sool oo Bosaso u jirta 500km.

Dhibaatooyinka ugu waawayn ee dadkan haysta ayaa ah iyadoo tiradoodu sii kordhayso marba marka ka dambeeya majiro qorshe loogu sameeyey goobo u gaar ah, iyadoo badi nadaafadda xaafadaha Bosaso ee xiga dhanka xeebta ay ka dhigeen mid dadkii deganaa  nadaafad darada awgeed ay uga hayaameen guryahooda.

Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa dadkan dhalashadoodu tahay dalka Itoobiya waxaa ay u tahay marinka ay uga sii gudbaan safarka khatarta badan ee badda, waxaana bartilmaameedkoodu yahay inay gaaraan dalka Sacuudi Carabiya.

Inka badan todobo kun oo qowmiyadaha Itoobiya ayaa la sheegay inay bilihii u dambeeyey soo gaareen magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoona waqtigan lagu jiro bad xiranka.

Maamulka gobolka Bari ayaa kulan ka yeeshay maanta, waxaana looga hadlay qorshe loo sameeyo dadkan oo dib loogu celinayo dalkooda.

Hoos kadhagayso guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Dhedo oo la hadlay wariyaha Daljir Xasan Haykal.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0