MUXUU YAHAY CIIDANKA XASILINTA LAASCAANOOD?

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

MUXUU YAHAY CIIDANKA XASILINTA LAASCAANOOD?

150 Askari oo loogu magacdaray Ciidanka Xasilinta Magaalada Laascaanood ayaa tababar loo soo gabagabeeyey, kuwaas oo ka duwan ciidamadii horey u jooge

Kaniisada Hargeysa FKF Culimada iyo Siyaasiyiinta Soomaaliland (dhegayso)
HINDISE SHARCIYEEDKA BATROOLKA DF SOOMAALIYA 2017
Farriin Diini ah: Hoggaan noocee ah baa loo baahanyahay si mujtamaca la isugu dheelitiro? (dhegayso)

150 Askari oo loogu magacdaray Ciidanka Xasilinta Magaalada Laascaanood ayaa tababar loo soo gabagabeeyey, kuwaas oo ka duwan ciidamadii horey u joogey ee Booliska. Ciidankan oo ah mid qaba tababar dheeraad ah ayaa la wareegaya saddex arrimaad oo amniga magaalada halbawle u ah.

  1. Dhammaan waddooyinka soo gala magaalada, haddii ay gaadiid yihiin iyo haddii ay yihiin kuwo lug lagaga soo geli karo
  2. Ladagaalanka hubka magaalada lagu dhex wato, siiba kuwa gaadiidka saaran
  3. Ladagaalanka maandooriyaha, siiba khamriga oo magaalada farabbaas ku haya

CIIDANKA XASILINTU MAXAY KAGA DUWANYIHIIN BOOLISKA?

Waa ciidan dhallinyaro ah oo isle’eg oo xilliga hawlgalka wejigu u xidhanyahay, lana garaneyn qof uu yahay. Ciidanku waxay awood u leeyihiin in ay toogtaan ciddii awood kala hortimaada, amarkuna yahay in aan la sheegin ciddii falkaas fulisey si aanay wax godob ah uga imaan. Ciidanku waxa ay isku raacayaan raxan-raxan sida ay isu dherer le’egyihiin, si aysan suurtagal u noqon in aan male-awaal lagu aqoonsan.

MAXAA KEENAY CIIDANKAN WAQTIGAN?

Saddex arrimood ayaa sabab u ah ciidanka in la sameeyo oo dhammaantood ammaanka ku saabsan.
Qodobka koowaad waa kooxo khamriilayaal ah oo marar badan falal dil ah ka geystey magaalada, waana tan ugu muhiimsan ee keentay in ciidankan la sameeyo.

Waa tan labaad e, qoryaha gacanta lagu sito oo tan iyo intii ay ciidamada Somaliland laga saaray degaanka ay dhallintii magaaladu weli sidii u sitaan hubkii, waxa ayna marka ay doonaan ridaan rasaas aan loo aabbayeelin, taasina waa tan sababtay in ay magaaladu u muuqato mid aan xasilooneyn.

Tan kale waa gaadiidka ciidanka oo magaalada si aad ah u dhexmara, mararka qaarkoodna markay doonaan rasaas cirka ku fura. Sidoo kale waxa magaalada ku yaala garaashyo qoryaha waaweyn lagu farsameeyo, taas oo keenta in waqtiyada qaarkood qoryaha lagu tijaabiyo magaalada dhexdeeda.

KHATARAHA KA IMAAN KARA CIIDANKA

Ciidanka oo hawlgalkiisii ugu horreeyey uu caawa bilaabanayo ayaa sida ay madaxda degaanka SSC sheegeen sharciyada kala hagaya ciidanka Booliska iyo ciidankan uu yahay mid aan weli la shaacin, waxaana jira shaki in labada ciidan dhexdooda uu ka yimaado iskudhac dhanka shaqada.

Sidoo kale qaabka ay ula dhaqmayaan dadka ay qabtaan ee denbiilayaal ku eedaysan iyo cidda isku xidhaysa labada ciidan ayaa ayana ah su’aal taagan.

Hoggaamiye Cabduqaadir Axmed Cali (Firdhiye) oo su’aal arrimahaas aan ka weydiinay ayaa sheegay in saraakiisha iyo Abaanduulaha Ciidanka Federaalka Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan oo jooga magaalada Laascaanood ay hawshaas gacanta ku hayaan.

Walaac kasta oo jira, haddana ciidankan caawa hawlgalaya ayaa shacabka Laascaanood aad u soodhawaynayaan, kuna tilmaameen mid ay aad u dhowrayeen.

Diiwaanka wararka | Daljir Laascaanood

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: