Muxuu salka ku hayaa safarka Uhuuru Kinyaatta ee dalka Itoobiya?

Muxuu salka ku hayaa safarka Uhuuru Kinyaatta  ee dalka Itoobiya?

Madaxweynha dalka Kenya ayaa gaaray dalka ay dariska yiihiin ee Itoobiya xili ay dagaallo ka socdaan qaybo ka mid ah dalka kuwaas oo u dhaxeeya xoogaga TPLF iyo ciidamada dowladda.

Uhuru Kenyaantta waxaa magaalada Adis Ababa kus oo dhaweyay raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana la filayaa in ay ka wadahadalayaan xaaladihii ugu dambeyay ee gobalka gaarahaanna colaadda Itoobiya ka taagan maadama labada dal ay xuduud wadaagaan.

Tagitaanka Uhuru kenyaatta ee Itoobiya ayaa imaanaya xili la sheegayo in wadahadallo nabadeed aaney suurta gal ahayn inta dagaalladu sii xoogeysanayaan.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria,Olusegun Obasanjo oo ah ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay wadahadallada suurtagalka ah, balse loo baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay joojiyaan dagaalka oo la helo fursad abuuri karta wadahadal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com