Muxuu salka ku hahay socdaalkii Taliyaha ciidamada Maraykanka ee uu ku tagay Soomaaliya iyo Kenya? (Akhirso )

Muxuu salka ku hahay socdaalkii Taliyaha ciidamada Maraykanka ee uu ku tagay Soomaaliya iyo Kenya? (Akhirso )

Taliska Howlgalada Mareykanka ee Qaaradda Afrika AFRICOM ayaa warbixin kasoo saaray socdaal labo cishe qaatay oo Bariga Afrika ku tagay Gen. Stephen Townsend oo ah Taliyaha Talisaas.

Inta socdaalkaan uu ku guda jiray Taliyaha waxa uu la kulmay saraakiil muhiim ah u ah howlgalkooda Bariga Afrika, waxaana uu ka dhageystay Warbixin ku saabsan sida loo xoojin lahaa howlgalka AFRICOM.

Gen. Stephen waxa uu Kenya saraakiishooda kala hadlay Xaaladda Amni ee Ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan Saldhigga Manda Bay oo bilawgii bishaan Al-Shabaab ka geysteen weerar Khasaare naf iyo mid maaliyadeed gaarsiiyay labada ciidan.

Taliyaha ayaa ciidamada ku sugan Xerada Manda Bay ku tilmaamay in ay sameeyeen howl naf hurnimo, waxaana uu ballanqaaday in ay sii xoojinayaan iskaashaan-buureysiga Dowladaha Kenya iyo Mareykanka sida uu hadalka u dhigay.

“Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu si dhaw ula shaqeeyaa Ciidamada Difaaca kenya KDF, waxaana ka dhaxeeya Xiriir wanaagsan, iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waa mid aan isku fahamsanahay, sababta oo ah dhaq-dhaaqidda Al-Shabaab waa mid halis ah” ayuu yiri Taliye Townsend.

Intaas kadib waxa uu usoo gudbay dhanka Soomaaliya, waxa uu la kulmay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo uu tilmaamay in uu kala hadlay howlgalada ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray Argagixisada.

“Waxa aan kula taliyay Madaxweyne Madoobe in ay qayb ka qaataan taageerista howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada Danab ee katirsan Ciidamada Xoogga Soomaaliya, waxa ay howlgalo ka wadaan Dooxada Wabiga Juba, wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada waxa ay xoojineysaa sugidda amniga iyo isla shaqeynta” sidaasi waxaa yiri Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ee Donald Yamamoto.

“Shiinaha iyo Ruushka waxyar ayay kaga qayb qaataan doorka la dagaalanka Argagixisada Afrika” ayuu yiri Taliyaha Mareykanka Howlgalada Qaaradda Afrika Stephen Townsend.

Waxa uu ku faanay in Mareykanka ay Dalalka Soomaaliya iyo Kenya siiyaan Talooyin, Tababar Ciidan, Agab iyo taageerada tooska ah ee ku dhisan isku xirnaanta si looga guul-gaaro dagaalka lagula jiro Argagixisada.

Taliyaha AFRICOM iyo Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa socdaal ku tagay Arbacadii Magaalada Kismaayo, halka Taliye Townsend iyo saraakiil la socotay ay u gudbeen Puntland, isla markaana ay la kulmeen Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com