Muxuu daaranaa kulankii caawa ee Ururada siyaasada Sinnaan & Mideeye?

Qardho: Urur siyaasadeedyada Caddaalad iyo Sinnaan iyo Mideeye ayaa caawa yeeshay kulan ay ugu midoobayaan doorashada guddoomiyeyaasha degmooyinka ee magaalooyinka Ufayn iyo Qardho, iyadoo labada urur ay ku dhawaaqeen masuuliyiintooda inay iska kaashanayaan doorashooyinkan, ururka MIDEEYE ayaa doonaya inuu noqdo duqa degmada Qardho , halka Caddaalad iyo Sinnaana loo qorsheeyey degmada Ufayn sida heshiiska labada urur uu qabo, waxaana caawa kulan uu uga socdaa mid ka mid ah hoteelada magaalada Qardho.

Doorashada golayaasha deegaanka ee la qabtay ayaa muujinaya in ururada aysan helin aqlabiyadda codadka balse midowgooda waxay meesha ugu saarayaan ururka KAAH ee haysta kaalmaha hore codadka golayaasha deegaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com