Muwaadin Somaali ah oo lagu dilay dalka koonfur Africa

HomeWararka

Muwaadin Somaali ah oo lagu dilay dalka koonfur Africa

Koox hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaasi waxaaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomalaida Ganacsiyada waaweyn

Qarax ismidaamin ah oo ka dhacay Xero Ciidan oo kutaala Ceelasha Biyaha
Maamulka dowladd deegaanka Itoobiya oo deeq gar gaar ah gaarsiiyay dadkii ku Barakacay colaadii Dhumey( dheyaso)
Warka Fiidnimo, Cumar Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Koox hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaasi waxaaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomalaida Ganacsiyada waaweyn ku leh dalkaas, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xamuud Aadan Dhiblaawe ayaa Kooxda Burcadda ah waxaa ay ku dileen goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Dalka Koonfur Afrika, isaga oo u geeriyooday dhaawac culus oo ay Burcadda gaarsiiyeen

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in gurmad ay u sameeyeen muwaadinka Soomaaliyeed oo Kooxda Burcadda ah ay doonayeen inay dhac u geystaan,isla markaana ay ka badbaadiyeen walow Kooxda Burcadda aheyd ay muwaadinka Soomaaliyeed dileen.

Ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo badi markii ay dilalka dhacaan sameeya howlgallo walow aysan ku guuleysan inay qabtaan Kooxaha dilalka u geysta Soomaalida.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: