Muuse Biixi oo go’aamiyay doorashada Golaha Wakiillada & Deegaanka

HomeWararka

Muuse Biixi oo go’aamiyay doorashada Golaha Wakiillada & Deegaanka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 12/022021 uu maanta ku meel mariyey Cayimaadda maali

Ciidanka Dowladda, “Ma Haysano Hub aan kula Dagaalano Alshabaab” (daawo)
C/risaaq Nuux Maxamed oo jaamacadd ka qalin jabiyay isagoo 70 sanno jir ah (dhegayso)
Villa Somalia unravels from within

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 12/022021 uu maanta ku meel mariyey Cayimaadda maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Soomaliland ee uu ku meel mariyay Cayimaadda maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ayaa waxaa ay u qorneyd sidatan.

Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: