Musharax Xildhibaan PL 2019 Maxamuud Cabdinuur oo Gaalkacyo soo gaaray (dhageyso/daawo)

Musharax Xildhibaan PL 2019 Maxamuud Cabdinuur oo Gaalkacyo soo gaaray (dhageyso/daawo)

Magaaladda Gaalkacyo waxaa maanta lagu soo dhaweyeey musharax Xildhibaan Puntland 2019 Mudane Maxamuud Cabdinuur Aadan dalab oo maalmahan ku sugnaa Magaaladda Burtinle.

Musharaxa duleedka Gaalkacyo waxaa kuso dhaweyeey Nabadoono,Dhalinyaro,Haween,arday iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda Gaalkacyo,kuwaas oo u muujiyeey in uu noqon doono Xildhibaanka Barlamaanka kaso galaa degmadda Burtinle.

Sido kale Musharaxa ayaa kormeeray garoonka Ciyaaraha ee Cawaale,isago ugu deeqay garoonka 50 kiish oo shamiito ah,wuxuna sheegay in hadii uu guulaysto uu mashruucyo baddan ka fulin doono garoonka.

Warbixin waxaa ka diyaariyeey Wariye Maxamed Lakiman oo jooga xarunta Daljir ee Gaalkacyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com