Musharax Madaxweyne PL 2019 Siciid Cali Axmed Qurbaawi oo ka hadlay Qorshihiisa Musharaxnimo (dhegayso)

HomeWararka

Musharax Madaxweyne PL 2019 Siciid Cali Axmed Qurbaawi oo ka hadlay Qorshihiisa Musharaxnimo (dhegayso)

Musharax Siciid Cali Axmed Qurbaawi oo kamid ah Musharixiinta u tartamaysa qabashadda Kursiga Madaxtinimadda Puntland Sanadka 2019 oo Caawa Waraysi dh

RW Khayre oo Kormeer ku Tagey Akademiyada Booliiska
Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo u jawaabay Madaxweyne Farmaajo
MADAXWEYNE FARMAAJO “HAWLGALKA ATMIS WUXUU KU SHAQEYNAYAA HABRAACA AMNIGA DOORASHOOYINKA EE AY KU HESHIIYEEN MADASHA WADATASHIGA QARANKA”

Musharax Siciid Cali Axmed Qurbaawi oo kamid ah Musharixiinta u tartamaysa qabashadda Kursiga Madaxtinimadda Puntland Sanadka 2019 oo Caawa Waraysi dhinacyo baddan taabanaya siyay Radio daljir ayaa ka hadlay xaaladda Dalka .

Musharax ayaa ugu horeyn ka hadlay Sababta ku kaliftay inuu isku soo taago Xilka Madaxtinimadda Puntland 2019,isago sheegay markuu arkay Gobaladda Kamaqan Gacanta Puntland iyo Mushaar la’aanta Ciidamadda Difaaca Puntland inuu garwaaqsaday in uu isku taago Xilka Madaxtinimadda Puntland.

Dhinaca Kale Musharax Qurbaawi ayaa ka hadlay Dulaanka Mamaulka Somaliland ee dhulka Puntland,isago tilmaamay in lagu arkay Jilicsanaan Madaxdii Puntland soo martay iyo kuwa Hadda Haya Hogaanka.

Beelaha dagga Gobaladda Sool Sanaag iyo Cayn ayuu ugu baaqay in Midnimadda ay kashaqeyaan ,isago dhinaca kalena salaan diiran Hawadda u mariyaay Ciidamadda Puntland ee Jidda horre ee Tukaraq dagaalka kagga Jirra.

Amaanka ,Waxbarashadda Cafimaadka iyo Shaqa Abuurka dhalinyaradda ayuu sheegay hadii uu ku Guulaysto Hogaanka Puntland in uu diiradda Saari doono.

Ugu dambeyn Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay inay kashaqeyaan Amniga iyo Midnimadda Umadda Somaliyeed.

Qurbaawi oo ku sugan Dalka Maraykanka Gaar ahaan Magaaladda Minesoota Waxaa Waraystay Wariye Maxamed Lakiman oo Gaalkacyo jooga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: