HomeUncategorized

Muqdisho: War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Madasha Hoggaanka Qaran ee Soomaaliya

Waxaa maanta oo Salaasa ahn lagu soo gebagebeeyey magaalada Muqdisho, shirkii muddo saddex maalmood ah uga socdey Madasha sare ee Wadatashiga Qaranka, taas oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha maamul goboleedyada iyo Madaxda Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.rn

Baahin: Isniin, Aug 29, Weriye Maxamed C. Koohsin ~ Daljir ~ Garowe. Puntland & dawlada federaalka ah oo kala saxiixday heshiis ka kooban 13 qodob; Aragtida shacabka Puntland ee booqashadii M/weyne Shariif; Xirsi M. Hilawle, maxada cusub ee Ahlu-sunna oo ka hadlay qorshaha cusub ee ururka.
QM oo soo Dhaweysay Guusha Puntland ay Gaartay Al-shabaab
Wasaarada adeega bulshada DF oo bilowday dhismaha xeer u doodaya xuquuqda haweenka (Dhegeyso)
1. Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho 9-ka ilaa 11-ka bisha Abril 2016. 
 
2. Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, 
 
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud; Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawari; Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke; Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed.
 
3. Madaxda Madasha Hoggaanka Qaran waxay soo dhoweeyeen heshiiska ay Dowladda Federaalka iyo Puntland wada gaareen 3-dii Abril, waxayna garowsadeen in uu waddada u xaarayo hirgelinta geeddi socodka doorashada sannadka 2016, iyo weliba isu diyaarinta loogu jiro doorasho dadweyne (qof iyo codkiisa) ee dhici doonta sannadka 2020.
 
4. Madasha Hoggaanka Qaran waxay mar kale ku celisay ballanqaadka ah in aan loo kordhin doonin mudada xil haynta Golaha Shacabka iyo Dawladda Federaalka.
Madashu waxay sidoo kale ugu yeertay qaybaha kala geddisan ee ay khusayso in ay hubiyaan u diyaargarowga iyo hirgelinta doorashada 2016 mudada loo cayimay. Waxa kale oo ay ka codsadeen bulshada caalamka in ay ka caawiyaan fulinta hawshaas. Sidaa daraadeed, Madasha Hoggaanka Qaran waxay isku raaceen hannaanka iyo qaab-dhismeedka soo socda:
 
Habka iyo Qaab-dhismeedka Doorashada:
 
a. Hannaanka doorashada 2016 wuxuu noqon doonaa mid dalka uga hirgala si isku mid ah. Waxa la dhisi doona laba guddi doorasho oo kala ah: Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Qaran iyo Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Heer Dawlad Goboleed. Guddiyadu waxay ka kala imaan doonaan: Dawladda Federaalka ah, Dawladaha xubnaha ka ah iyo kuwa samaysmi doona.
 
b. Guddiga Doorasho ee Heer Qaran wuxuu ka koobnaan doonaa 17 xubnood, kuwaas oo ay 5 xubnood soo magacaabayso Dawladda Federaalka halka ay dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ay mid kasta soo magacaabi doonto 2 xubnood.
 
c. Guddiga Doorasho ee Heer Dawlad Goboleed midkiiba wuxuu ka koobnaan doonaa 11 xubnood; 8 ka mid ah waxaa soo magacaabaya dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; 3 xubnoodna waxaa soo magacaabaya Dawladda Federaalka.
 
d. Guddiga Doorasho Heer Qaran iyo Guddiga Doorasho ee Heer Dawlad Goboleed waxa loo soo dhisi doonaa sida ugu dhakhsaha badan, waxayna gudageli doonaan dhammaan hawlaha diyaargarowga iyo fulinta doorashooyinka. Madaxda Hoggaanka Madasha Qaran ayaa labada guddi u sameeyn doona habraacooda shaqo.
 
e. Madaxda Hoggaanka Qaran waxay dhisi doonaan guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka 2016.
Geeddi-socodka:
 
Aqalka Sare:
 
f. Dhismaha Aqalka Sare ee Golaha Shacabka Qaran wuxuu ka horrayn doonaa doorashooyinka Aqalka Hoose.
 
g. 30% kuraasta Aqalka Sare ee Dawlad Goboleedyada iyo kuwa dhismaya waxaa si gaar ah loogu qoondeeyay haweenka tartamaya.
 
h. Golaha Fulinta ee Dawlad Goboleedyada waxay kursi kasta usoo magacaabayaan ugu yaraan labo murashax oo u tartamaya. Baarlamaanada Dawlad Goboleedyada ayaa u codayn doona kursi kasta gaarkiis.
 
i. Dawlad goboleedyada hadda jira ama dhismaya waxay samaysanayaan qaab ay kuraasta ugu qaybiyaan beelaha/dadyowga ama deegaanada, qaabkaas oo ah mid isku dheelitiran oo loo wada dhan yahay, iyadoo la hubinayo in dadka laga tirada badanyahay ay helaan metelaad ku filan.
 
j. Codaynta xubnaha Aqalka Sare ee Golaha Shacabka ee Qaran waxa si siman oo isku maalin ah uga dhacayaan Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.
 
k. Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah ayaa si rasmi ah u soo saxiixi doona liiska xubnaha Aqalka Sare ee Golaha Shacabka Qaran ee ka iman doona dawlad goboleeyadooda ka dib marka guddiyada doorasho ay u soo gudbiyaan soona xaqiijiyaan natiijada kama dambaysta ah ee murashaxiinta guulaystay.
 
Aqalka Hoose:
 
a. Liiska Oday Dhaqameedyada 135 ka ah ayaa saldhig u noqonaya hannaanka doorashada Aqalka Hoose. Liiska Oday Dhaqameedyada dib baa loo eegayaa. Madax Dhaqameedyada dhintay waa la beddeli doonaa kuwa muranku ka jirna waa la sixi doonaa.
 
b. Liiska kama dambaysta ah ee Oday Dhaqameedyada (135) ee la isku raacay ayaa soo xuli doona ergada doorasho iyagoo la tashanaya Nabadoonnada ay khusayso ee beesha xubinta leh.
 
c. Murashax kasta oo u taagan Aqalka Hoose ah waxaa soo dooranaya ergo doorasho oo ka kooban 50 cod-bixiye. Wadarta ergada doorashada waxay noqonaysaa 275 x 50 = 13,750.
 
d. Xubnaha ergada doorasho waxaa laga soo xulayaa jilibyada beesha kursigu ka dhexeeyo, waxayna meteli doonaan qaybaha kala duwan ee mujtamaca oo ay ku jiraan dhallinyarada iyo bulshada rayidka ah. Ergo kasta ee doorasho waa in ay ugu yaraan 30% noqdaan haween.
 
e. Cod-bixintu waxay ka dhici doontaa magaalo madaxyada ama goobaha fadhigga u ah Dawlad Goboleedyada hadda jira ama dhismaya iyo Muqdisho, iyadoo loo fiirinayo hadba sida juqraafi ahaan loo kala leeyahay kuraasta.
 
f. Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ayaa si rasmi ah u soo saxiixi doona liiska xubnaha Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka Qaran ee ka iman doonaa dawlad goboleeyadooda ka dib marka guddiyada doorasho ay u soo gudbiyaan soona xaqiijiyaan natiijada kama dambaysta ah ee murashaxiinta guulaystay.
 
g. Maaddaama ay Somaliland ka maqan tahay, ka qaybgalka hannaanka doorashada, xubnaha Aqalka Hoose ee matelaya Somaliland waxa lagu dooraan doonaa goobta ay isku raacaan madax dhaqameedyadii Somaliland ugu jira 135 ka.
 
h. Waxa la isku raacay in qaybinta 275 ka xubnood ee Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka lagu saleeyo beelaha/ deegaamada qaybta ka ahaa dhismihii dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka iyo kuwa dhismi doona.
 
Goobaha doorashada iyo arrimo kale:
 
Doorashada iyo hannaakeeduba waxa ay ka dhici doonaan magaalo madaxyada dawladaha xubnaha Dawladda Federaalka ama xarumahooda ku meel gaarka ah.
 
Madaxda Madasha Hoggaanka Qaran waxay kaloo go’aansadeen:
 
1. In Garoowe lagu qabto shirka dastuurka qaranka 10-20 May 2016. Waxaa qabashada shirka dastuurka qaranka ka horrayn doona kulan ay yeelan doonaan Madaxda Madasha Qaran oo lagaga doodi doono, loogana heshiin doono arrimaha siyaasadeed ee dastuuriga ah ee khilaafku ka jiro si loo dardar-galiyo dib u eegista dastuurka.
 
2. Dawladda Federaalku waxay la wadaagtay madaxda dawlad goboleedyada Siyaasadda Aminga Qaranka, waxayna soo dhawaysay in kulamo wadatashi ka dhicaan gobollada dalka si loo hormariyo hirgelinta siyasaddaas.
 
3. Madashu waxay mahadcelin u soo jeedisay beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha taageeradooda joogtada ah ee ku aaddan hannaanka doorashada.
 
4. Madashu waxay dareen xoog leh ka muujisay hab-dhaqanka iyo ficilada SEMG (Somalia Eritrea Monitoring Group); gaar ahaan sida ay u beegsanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, una hor istaagayaan geedi-socodka hannaanka dhismaha dawladeed ee Soomaaliya.
 
5. Hannaanka doorashada 2016-ka iyo qaabka loo fulinayaba waxaa la horgeeyn doonaa Golaha Shacabka ee Federaalka si ay u ayidaan.
 
DHAMMAAD

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: