Muqdisho: Siyaasiyiinta gobalada Waqooyi oo eedeyn u jeediyeey RW Rooble

HomeWararka

Muqdisho: Siyaasiyiinta gobalada Waqooyi oo eedeyn u jeediyeey RW Rooble

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Somaliland garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’

Xildhibaano dhaar ku maray inay ridayaan Xukumadda RW khayre (Daawo)
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Magalada Muqdisho Kulan Kula Qaatay Michael Keating
Wafdi ka socda dowladda Somalia oo Hague u tegay kiiska Baddeena dihin

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Somaliland garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble waxaa ay ku eedeeyeen in uusan dhex-dhexaad aheyn arrimaha doorashooyinka.

Qoraal kasoo baxay Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi Garabka Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble loo xilsaaray xal ka gaarista khilaafka u dhaxeeya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed balse nasiib darro aysan dhicin taasi oo muddo hadda laga joogo Bil & 20 Cisho ka hor loo xilsaaray.

Sidoo kale qoraalkooda waxaa ay ku sheegeen in Guddoomiye Cabdi Xashi uu dhowr jeer taleefon kula xiriiray Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kale uu qoraalo u diray balse uusan usoo jawaabin, intaasi kadibna ergo uu u diray kadib ay sababtay inay kulmaan RW Rooble & guddoomiye Cabdi Xaashi 19kii Bishii June, isla markaana ay ku balameen in Saddexda Xubnood ee lagu daray Xubnaha Guddiga doorashada Soomaliland inay noqdaan kuwo dhex-dhexaad ah oo an ka qeyb gelin doorashada Guddoonka guddiga doorashooyinka Soomaliland & in Guddiga laga saaro Shaqaalaha dowladda & Ciidamada balse taasi ay dhici weysay, isla markaana uu jebiyay dhamaan balan qaadkiisii.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0