Muqdisho oo la geyeey qaar kamid ah dhawacyadii dagaalka Laascanood (Sawiro)

Muqdisho oo la geyeey qaar kamid ah dhawacyadii dagaalka Laascanood (Sawiro)

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee Sodma ayaa markii sadaxaad galabtay waxa ay magaaladda muqdisho keentay 20 qof oo kamid ah dadkii dhawacyada ka soo gareen dagaalada culus ee ka socda Magaalada Lasacanood ee xarunta gobolka Sool ee u dhaxeeya dadka degaanka iyo ciidamada Soomaaliland.

Dhawacyadaan oo ay ku jiraan dad liita waxaa garoonka Adaan Cadde uga hortagay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee Barlamaanka,Xildhibano katirsan labada aqal,Agaasimaha guud ee Hey’adda maareynta Masiiboyinka Qaranka,Agaasimaha waaxda cafimaadka waxaana dhawacyadaan Magaalada Garoowe ka soo daabulay diyarada dhawacyada sidana la socday Madaxa xarunta howlgallada Gurmadka Degdegga ee hey’adda mareynta masiiboyinka

Hoos kagga Boggo Sawiradda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com