MUQDISHO: Madaxda oo Maanta saxiixaysa heshiiska doorashada & Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka horyimid heshiiska  Afisyoni

HomeWararka

MUQDISHO: Madaxda oo Maanta saxiixaysa heshiiska doorashada & Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka horyimid heshiiska Afisyoni

Xarunta Teendhada Arfisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban qaabada munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska doorashada oo ay wada gareen R

Bangiga Amal oo Dhisme cusub ka hirgaliyeey Qardho (dhegayso)
Madaxweyne Karaash “Shaqooyinka Ka Socda Boosaaso Waa Kuwii Ay Xaqa U Lahayd”.
Farriin siyaasadeed 2018-2019: Olalaha Musharrax Madaxweyne Kuxigeen Camey – Camey & Ammaanka Puntland

Xarunta Teendhada Arfisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban qaabada munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska doorashada oo ay wada gareen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galaya Mas’uuliyiinta heshiiska doorashada gaaray, Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta, Wakiilo ka socda Ururada Bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka.

Wararka ayaa sheegay in heshiiska uu qeyeb ka yahay in muddo Saddex Bilood gudahood ah lagu qabto doorashada, isla markaana wixii heshiiska kasoo noqda ee fuli waaya ay go’aan ka gaaraan saxiixayaasha heshiiska.

Munaasabadda saxiixa heshiiska doorashada ayaa waxaa la filayaa inay hadalo ka jeediyaa, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed, qaar kamid ah Wakiilada Xubnaha ka qeyb galaya iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo munaasabadda soo xiri doona.

Munaasabadda Maanta lagu saxiixayo heshiiska doorashada ay gaareen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo horjeestay Siyaasiyiinta kasoo jeedda Gobolada Waqooyi garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyaga oo sheegay in aysan la socon heshiiska.

“Waxaan u cadeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in wax talo ah aanaa ku laheyn, wax xoga oo sax ahna aanaa ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd seddax qodob oo xalkooda loo qabtay shirka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareyn Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Halkan ka Akhriso warqada kasoo baxday Guudoomiye Cabdixaashi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: