HomeUncategorized

Muqdisho: Heerka dadka uu soo ridanayo cudurka duumada oo sii kordhaya.

Muqdisho,Jan 16 -Heerka uu gaarsiisan yahay dadka uu soo ridanayo cudurka Duumada ee gobolka Banaadir iyo qeybo kamid goobaha dadku ay u barakaceen iyo gobolka Sh/Hoose ayaa lagu waramayaa inuu gaarsiisan yahay xaddi sare.

DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Axmed Tall-Man
Alshabaab oo xaqiijisay in xildhibaan Badbaado uu Muqdisho isku qarxiyey.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Cumar Laki Man.

Muqdisho,Jan 16 -Heerka uu gaarsiisan yahay dadka uu soo ridanayo cudurka Duumada ee gobolka Banaadir iyo qeybo kamid goobaha dadku ay u barakaceen iyo gobolka Sh/Hoose ayaa lagu waramayaa inuu gaarsiisan yahay xaddi sare.

Luul Max’ed Max’ud oo ah dhakhtarad ka howlgasha cisbitaalka Madiina ee gobolka Banaadir ayaa sheegtay in hooyada iyo dhalaanku ay yihiin dadka ugu badan ee cudurka Duumadu uu saameeyay.

Dadka uu qaabilo cisbitaalka Madiina waxaa ay ku tilmaamtay Drs Luul Maxamed Maxamuud in 10% ay yihiin dadka qaba cudurka Duumada,taasna ay ka dhigayso cudurka Duumadu inuu ku badan yahay gobolka Banaadir.

Luul Maxamed Maxamuud waxaa ay sheegtay in dadka lasoo gaarsiiyo cisbitaalka ay ku jiraan dad laga keeno goobaha dadku ay u bara kaceen ee Muqdisho ka baxsan iyo gobolka Sh/Hoose gaar ahaana degmada Afgooye.

Drs Luul ayaa Radio Daljir usheegtay inay ka digayso in dadku ay ka madax adeegaan talooyinka dhakhaatiirtu ay siiyaan,kuwaas oo lagu yaraynayo heerka cudurka Duumada.

Degaano ay kamid tahay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ay kamidyihiin bukaanada uu qaabilo cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Bashiir Ahmed Abdi
Radio Daljir Bossaso. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: