Muqdisho: Golaha Midowga Musharixinta oo markale kulmaya

HomeWararka

Muqdisho: Golaha Midowga Musharixinta oo markale kulmaya

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta markale waxaa la filayaa inay kulan ku yeeshaan mid kamid ah hoteelada ku yaalla Magaalada

RW Khayre oo kormeeray Xarunta Maamulka gobalka Banaadir (dhageyso/Sawiro)
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta markale waxaa la filayaa inay kulan ku yeeshaan mid kamid ah hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho, iyaga oo kulankooda uga hadlaya Arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in looga hadli doonaan waxyaabihii ka soo kordhay xaaladda wadanka halka qaarkoodna ka warbixin doonaan kulamo kale oo gaar gaar ah oo ay la yesheen madax kale.

Waxyaabaha ugu adag ay musharixiinta ka hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah qaraxyadii khasaaraah badan geystay ee ka dhacay magaalada muqdisho iyo jawaab la’aanka Villa Soomaaliya.

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la kala diro guddiyada doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kale uu xilka baneeyo Taliyaha NISA, hayeeshee Villa Soomaaliya weli aysan ka jawaabin codsiga musharixiinta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: