RW Khayre oo kormeeray Xarunta Maamulka gobalka Banaadir (dhageyso/Sawiro)

Ra’iisl wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, wuxuuna kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka gobalka oo uu hoggaaminayo Duqa magaalada Muqdisho.

Kullanka oo uu shirguddoomiyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay Hirgelinta qorshaha Horumarinta Caasimadda Muqdisho,sugida Amniga iyo dardar gelinta adeegyada Bulshada ee uu bixiyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisoow) ayaa xusay in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay u soo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo hiigsiga horumarinta Bulshada ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Cabdiraxmaan Waaberi ayaa Muqdisho Warbixintan kaso diray


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com